Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heynckes Miyaa Kuso laabanaya Bayern?


Bayern Munich
Bayern Munich

Qaar ka mid ah wargeysyada ka faallooda ciyaaraha ee dalka Jarmalka ayaa maanta daabacay in tababarihii hore ee Bayern Munich Jupp Heynckes uu ka laaban doono go,aankii uu uga fariistay tababaranimada sanadki 2013-ki.

Macallinkan u dhashay dalka Jarmalka ayaa la filayaa inuu dib u qabto xilka tababaranimo ee Bayern Munich, si uu u beddelo tababarihi la xilka laga ceyriyay todobaadki hore ee Carlo Ancelotti.

Haddii ay dhab noqoto in Heynckes uu go,aankiisii hore beddelo, ayaa waxay noqon doontaa wax aad loola yaabo maadaama aanan marnaba la fileyn.

72 jirkaan ayaa Bayern la qaaday saddex koob sanadki 2013-ki, gaar ahaan horyaalka Jarmalka, koobka Jarmalka iyo Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub.

XS
SM
MD
LG