Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona oo Ka Gadoodsan Dowladda Spain


Catalonia
Catalonia

Barcelona, ayaa ku biireysa gadood sameyn ka dhan ah dowladda Spain, taas oo ku aaddan tallaabooyinkii ay dowladdu kaga jawaabtay intii ay socotey codeyntii madax bannaanida Catalonia.

Sidoo kale, difaaca aan warka la gabban, Gerard Pique, ayaa lagu oriyay Isniintii, gudaha xarrunta tababarka kooxda Spain ee Madrid.

Barcelona, ayaa sheegtay in midina ciyaar-yahannadeeda xirfadleyda ah ama kuwa dhalinta yar aanay ka qeyb qaadan doonin wax tababar ah, waxana la xiri doona xarrumaha kooxda.

Barcelona, waxay taasi u sameynayaan inay muujiso sida ay uga xun tahay sidey dowladda ula tacaamushay dadkii dhiibanayay aftida gooni u goosadka, Axaddii.

Rabshado ka dhacay Axaddii gobolka Catalonia, ayaa waxa la sheegey inay ku dhaawacmeen 890 ruux oo rayid ah iyo 430 booliis ah.

XS
SM
MD
LG