Kalluumaysata deegaanka Ceel Macaan oo waqooyi kaga toosan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya biro daxalaystay oo ku jira biyaha badda kuwaasi oo halis ku ah naftooda iyo shabaqa ay ku kalluumaystaan.
Waxay sheegeen in birahaasi ay degaankaais yimaadeen xilligii ay shaqayan jirtay dekedda macmalka ee Ceel-Macaan sanandihii sagaashameeyada dabayaqaadeedii iyo horraantii labada kun.
Weriyahayaga Xuseen Xasan Dhaqane ayaa tagay Ceel Macaan, Falastiin Axmed Iimaan ayuu uga warramay dhibaatada haysata kalluumaysata.