Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chelsea oo Ku raad Joogta Alex Sandro


 Antonio Conte
Antonio Conte

Kadib marki ay ku hungowday xagaagi hore helitaanka daafaca dadabka bidix ee kooxda Juventus Alex Sandro, ayey Chelsea hadda diyaar la tahay in ay mar kale dalab u dirto.

Sida uu daabacay wargeyska Mirror ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, Chelsea waxay diyaar u tahay inay kordhiso lacagaha ay ku rabto Sandro taasoo ay hadda ka dhigtay £60million (Lixdan Milyan oo Gini).

Sandro oo u dhashay dalka Brazil ayaa waxaa aad u raba macallinka Chelsea Antonio Conte. Bishi June ayuu Conte laba jeer dalbay laacibkaan, balse labadaba waxaa diiday maamulka Juventus.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa sheegaya in macalinka kooxda Chelsea Antonio Conte uu rabo inuu ku laabto dalka Talyaaniga si uu u tababaro kooxda AC Milan.

Wareysi uu dhawaan siiyay mid ka mid ah idaacadaha Talyaaniga ayuu Conte ku sheegay inuu u hiloobay dalkiisa hooyo, taasoo loo fasirtay inuu ka tagi rabo Chelsea.

XS
SM
MD
LG