Isku xirrada

Maxay ka Dhigan Tahay Deeqda Sacuudiga ee Soomaaliya?


Kheyre

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in boqortooyada Sacuudiga ay ugu deeqday lacag gaareysa 50 milyan oo dollar. Hadalkan ayaa waxaa sheegay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Deeqdan ayaa ka dambeysay booqashaddii uu dhawaan dalkaasi ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxey ku soo aadeysaa xilli khilaafka uu weli taaganyahay khilaafka Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federalka ee ka dhashay Mowqifka dowladda iyo kan maamul goboleedyada ee ku aadan Khilaafka wadama Khaliijka iyo Qatar.

Hadaba deeqada Sacuudiga Maxay uga dhigantahay shakigii laga qabay xirirka dowladda iyo Sacuudiga ee ku aadanaa dhexdhexaadnimaa dowladda ee muranka Khaliijka? Su’aashaa iyo kuwo kale ayaa wariyeheenna Jacfar Kuukaay uu weydiiyay Mursal Saneey, Agaasime ku xigeenka Machadka Cilmi Baarista ee Heritage ee Fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG