Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Alshabab oo Weeraray Teed, Bakool


Kooxda al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar gaadmo ah ku qaadday xero ciidan oo ku taala degaanka Teed ee gobolka Bokool. Guddoomiyha degmada Xuddur Maxamed Macalin Axmed oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in ciidanka oo ka war hayay weerarka ku soo fool leh ay iska cabin sameeyeen markii la soo weeray. Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkaasi ay ku dhinteen 3 askari mid kalana ay kooxdii weerarka soo qaadday nolol ku wateen, hase ahaatee, guddoomiyaha degmada Xuddur ayaa beeniyay warkaasi, waxaana uu sheegay in aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaasi oo socday ku dhowaad muddo 30 daqiiqo ah. Caasho Ibraahin oo la xiriirtay ayuu u faah faahiyay sida ay wax u dheceen.

Dhageyso Warbixinta Teed
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:02 0:00

XS
SM
MD
LG