Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shevchenko oo Ka Hadlay Kulanka Milan-Roma


 Andry Shevchenko
Andry Shevchenko

Halyeeygii hore ee kooxda AC Milan Andriy Shevchenko ayaa sheegay in kulanka adag ee Axada dhexmari doona kooxaha Milan iyo Roma uu yahay kulan ka muuhimsan saddexda dhibcood ee loo tartamayo.

Milan ayaa Axada ku martigelin doonto kooxda Roma garoonka San Siro ee magaalada Milano. Kulankaan ayaa muhiim u ah Milan sababtoo ah waxay ciyaari doontaa iyadoo wadata guuldarradi ay todobaadki hore kala soo laabatay Sampdoria oo kusoo garaacday 2-0.

Shevchenko oo la hadlay warbaahinta Top Calcio 24 ayaa sheegay in Milan ay ku qasbantahay in ay badiso kulankan, sababtoo ah buu yiri waa ciyaar natiijadeedu ay saameyn weyn ku yeelan doonto mustaqbalka kooxda.

Ciyaartooyda Milan ee laga soo bixiyay labada boqol ee milyan ee euro iyo tababarahooda ayaa wajahaya cadaadis weyn kadib marki ay lumiyeen laba kulan oo muhiim ahaa xilli ciyaareedkaan.

Qaar ka mid ah warbaahinta Talyaaniga ayaa qoray in hadii Milan laga badiyo ay maamulka kooxda eryi doonaan macallin Montella, iyadoona booskiisa lagu baddali doono tababare Carlo Anceloti oo Khamiistii ay soo ceyrisay Bayern Munich

XS
SM
MD
LG