Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu soo saaray amar uu ku joojinayo dhamaan duulimaadyadii tagayay Galmudug, marka laga reebo kuwa gargaarka iyo kuwa ciidamada Amisom ee gobolka ku suggan.
War saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa laga bilaabo maanta illaa amar dambe lagu joojiyay duulimaadyadaasi.
Amarkan ayaa lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo dhawaan xubno ka tirsan baarlamanka Galmudug sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen.
Arrintan ayaa salka ku heysa xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay go’aankii Madaxweynaha Galmudug uu ka qaatay Khilaafka wadamada Khaliijka.
Amarkan ayaa ku soo beegmayaa iyadoo gobolka ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya si ay u qaboojiyaan xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ka oogan.
Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa wareegtadan ka wareystay, Afhayeenka Madaxtooyada Galmudug Cabdullahi Xaashi Roob Da’ay.