Isku xirrada

Dowladda oo ka hadashay khilaafka maamul goboleedyada


Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yusuf Garad Cumar iyo Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Adel Al-Jubeir

Dowladda Somalia ayaa ka hadashay xiisadda kala dhaxeysa maamul-goboleedyada Somaliya ee ka dhalatay arrimaha khaliijka.

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia Yusuf Garaad Cumar oo VOA wareysi siiyay ayaa sheegay in maamul goboleedyada Somalia aysan haysan sharciyad ay dowlado shisheeye heshiis kula galaan, oo howshaasi ay uga danbeeyaan dowladda dhexe.

Yusuf Garaad Cumar Axmed ayaa sheegay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay inay dhageysato oo ay qanciso wixii ay tabanayaan maamul-goboleeyadu.

Wasiirka oo ka mid ah wafdi la socca madaxweynaha oo booqnaya Sacuudiga, ayaa dhinaca kale sheegay inay madaxda Sacuudiga isku afgarteen inay iskaashi sameystaan, isagoo xusay in wax isbeddel ah aanu ku iman mowqifkii dhex-dhexaadnimo ee dowladdu ay ka qaadatay xiisadda khaliijka.

Cabdulcasiis Xuseen Cismaa ayaa Yuusuf Garaad Cumar, khadka Skype ee Riyad ku wareystay, wuxuuna ugu horreyn waxay ka wada hadleen madaxda Sacuudiga.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG