O.J. Simpson oo ahaan jiray ciyaartooy kubadda cakta Mareykanka iyo jilaa caan ah ayaa xabsiga laga soo deyn doonaa todobaadka soo socda kadib muddo sagaal sana ah oo uu xirnaa.
Saraakiisha xabsiga Nevada yaa Arbacadi sheegay in O.J lagu sii deyn doono shuruud ah inuu si wanaagsan u dhaqmi doono ka hor inta aanan si rasmi ah xorriyadiisa loo wada siin.
Qorshaha lagu soo sii deynayo O.J Simpson oo hadda gaba gaba ah ayaa dhigaya in marka hore laga soo bixiyo xabsiga Lovelock Correctional Center ee waqooyiga Nevada iyadoo loo gudbin doono xabsiga High Desert State ee ku yaalla Las Vegas halkaas oo xorriyadiisa laga siin doono.
Simpson ayaa darbiyada gadaashooda kusoo qaatay sagaal sano oo cimrigiisa ka mid ah, kadib marki lagu eedeeyay danbiyo isugu jira burcadnimo iyo afduub kadib marki ay boolisku xireen sanadki 2008 markaas oo laga qabtay hotel ku yaala magaalada Las Vegas.
Maxkamad ayaa ku xakuntay 33 sadno oo xarig ah, laakin guddi xeer beegti ah ayaa horraantii sanadkaan sheeegay in lasii deyn doono 1-da bisha October.
70 jirkaan ayaa caan ka noqday aduunka horraantii sagaashamaadki markaasoo lagu eedeeyay inuu dilay xaaskiisii hore Nicole Brown Simpson iyo saaxibkeed Donald Goldman. Maxkamadeyntiisii xilligaas ayaa aheyd hadal heynti ugu badneyd ee Mareykanka. Sanadki 1995-ki ayay maxkamadu go,aamisay inuusan wax danbi ah laheyn.