Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciyaarihi xalay ee Koobka Kooxaha Yurub


Ciyaartooyda PSG oo dabaaldagaya
Ciyaartooyda PSG oo dabaaldagaya

Waxaa xalay dhacay kulamo kale oo xiisa leh oo ka tirsan Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub, iyadoo kooxaha waaweyn intooda badani ay guuleesteen.

Kooxda lacagaha badan lagu kharasgareeyay ee Paris St-Germain ayaa wacdaro ka dhigtay xalay ciyaar ay magaalada Paris kula dheeleen kooxda Bayern Munich kadib marki ay ku garaaceen 3-0.

PSG waxaa goolasha ay ku badisay u kala dhaliyay Dani Alves, Cavani iyo Neymar. Guuldarradaan ayaa dhabarjab ku ah macalin Anceloti iyo kooxdiisa Bayern oo xilli ciyaareedkan aanan ku bilaaban sidi lagu yaqaanay.

Guusha PSG ayaa ka dhigeysa in ay hadda saddex dhibcood oo nadiif ah ka sarreyso kooxda kusoo xigta ee Bayern oo ay ku wada jiraan Group B.
Ciyaar kale oo ka tirsan isla B, kooxda Celtic ayaa 3-0 ku cuntay naadiga Anderlecht.

Group-ka A, kooxda Manchester United ayaa guul weyn kasoo hooysay naadiga CSKA Moscow ee dalka Russia oo ay ku ugu awood sheegatay 4-1.
Romelu Lukaku oo weerarka ka ciyaara ayaa laba ka mid ah goolasha u dhaliyay Manchester, goolasha kala waxaa kala qeybsaday Anthony Martial iyo Henrikh Mkhitaryan.

Dhalinyarada macalin Jose Mourinho ayaa ku bilaabay xilli ciyaareedkan si heer sare ah. Hadda Group A oo ay ku jiraan iyaga ayaa ku hogaaminaya lix dhibcood. Waxaa kusoo xigta kooxda FC Basel oo xalay 5-0 ku xaaqday kooxda Benfica. Waxay iyada iyo CSKA Moscow wada leeyihiin min saddex dhibcood.

Natiijooyinka ciyaarihi kale ee xalay ee Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub waxay natiijadu noqotay sidan:-

Group A
Basel 5 - 0 Benfica
CSKA Moscow 1 - 4 Manchester United

Group B
Anderlecht 0 - 3 Celtic
Paris Saint Germain 3 - 0 Bayern Munich

Group C
Qarabag FK 1 - 2 Roma
Atletico Madrid 1 - 2 Chelsea

Group D
Juventus 2 - 0 Olympiacos
Sporting CP 0 - 1 Barcelona

XS
SM
MD
LG