Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mourinho: Maqnaashiyaha Ciyaartooyda Nama Saameyn Doonto

Chelsea's manager Jose Mourinho looks on as the press officer points to a member of the media during a press conference at Stamford Bridge in London, Monday, March 17, 2014. Galatasaray will play Chelsea on Tuesday in their Champions League round of 16 se

Ka maqnaashiyaha ciyaar-yahanno muhiim u ah kooxda Manchester United, ayaanan saameyn ku yeelan doonin kulanka Champions League ee ay naadigaasi la dheeli doonto kooxda CSKA Moscow, sida uu sheegey tababare Jose Mourinho.

United waxa kamaqnaan doona Paul Pogba, Marouane Fellaini iyo Michael Carrick, taas oo ka dhigeysa in Mourinho uu qadka dhexe ku heysto, marka laga hadlayo ciyaar-yahannada qibradda leh, Nemanja Matic iyo Ander Herrera.

"Waxaanan isku dayi doonin in aan diiradda saarno dagaalka shaqsiyaad, ama meelo gaar ah oo garoonka dhexdiisa ah, balse waxaanu diiradda saari doonna koox tayo leh oo isku dheeli tiran," ayuu Mourinho ka sheegey shirkiisa jaraa'id Talaadada maanta, ka hor kulanka beri ee ay kooxdiisa dheeli doonto.

XS
SM
MD
LG