WASHINGTON. D.C —
Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in laacibka weerarka uga ciyaara ee Suso uu saxiixay qandaraas cusub oo uu kooxda kula sii joogi doono ilaa sanadka 2022.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib marki bilooyinki lasoo dhaafay uu wakiilka ciyaaryahankani riixayay heshiis kordhin ay Milan u sameyso xidigani heerka caalami ee dalka Spain.
Bayaan Isniintii kasoo baxay Milan ayaa lagu sheegay in Suso uu kordhiyay qandaraaskiisa, isla markaana uu joogi doono garoonka San Siro ilaa 30-ka June sanadka 2022.
Suso oo ka ciyaara baalka midig ee weerarka ayaa waxaa aad u raadinayay kooxo badan oo ay ka mid yihiin Roma, Napoli, Tottenham iyo Valencia.