Isku xirrada

Xildhibaanno Gudbiyay Mowshin Ka Dhan ah Imaaraadka Carabta


Xildhibaanada Soomaaliya

Warar ku dhow guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijinaya inuu soo gaaray mooshin ay saxiixeen qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka oo cambaaraynaya faragelin ay sheegeen in dalka Imaaraadka Carabta uu ku hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Mooshinkan oo ay nuqul ka mid ah heshay VOA ayaa ku eedaynaya Imaaraadka iyo safiirkooda u jooga Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi, inay iska horkeeneen dawlada federaalka iyo mamaul goboleedyada, inay maamullada la saxiixdeen heshiisyo istiraatiiji ah oo ku xad-gubayada midnimada iyo madaxbannaanida waddanka iyo inay samaysteen isla markaana hubeeyeen maleeshiyo u gaar ah.

Haddaba, xildhibananada saxiixay mooshinkan waxaa ka mid ah Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi. Jacfar Kuukaay ayuu uga warramay ujeeddada mooshinka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG