WASHINGTON. D.C —
Ra'isulwasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa shalay galab xilliga Mareykanka ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York khudbad dheer oo uu kaga hadlay xaalada Soomaaliya.
Ra'isulwasaare Kheyrre ayaa beesha caalamka ka dalbaday in dalkiisa laga qaado xayiraadda saaran ee dhinaca hubka ah.
Warbixintaan waxaa New York kasoo dirtay wariyaha VOA-da Sahra Ciidle Nur.