Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real Betis oo 19 Sano Kadib Ka Badisay Real Madrid


7. Sergio Ramos (ESP/Real Madrid)
7. Sergio Ramos (ESP/Real Madrid)

Kooxda Real Betis ayaa marki ugu horreysay muddo 19 sana ah uga badisay Real Madrid garoonkeeda Bernabeu kadib marki ay xalay 1-0 ku garaacday ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Spain ee La Liga.

Goolka guusha ee Real Betis waxaa daqiiqadii 94-aad ee ciyaarta u saxiixay weeraryahan Antonio Sanabria. Ma jirin fursad ay kusoo laabato Real maadaama ay ciyaarta ka harsaneyd hal daqiiqo oo kaliyah.

Real Madrid waxaa xalay u safnaa xidigooda Cristiano Ronaldo oo kasoo laabtay ganaax shan kulan ah oo ay saareen xiriirka Spain. Ronaldo iyo saaxibadii waa ay dadaaleen hase yeeshee dhamaan fursadihi ay abuureen midkoodna gool ma noqon.

Real Betis wax guul ah kama aysan keenin garoonka Bernabeu Stadium ee magaalada Madrid tan iyo sanadki 1998-ki, markaas oo ay Betis Real ku garaacday 1-0.

Hadda Real Madrid waxay ku jirtaa kaalinta 7-aad, waxana ay 7 dhibcood ka hooseeysaa Barcelona oo horyaalka ku hogaamineysa 15 buundo, halka Real ay leedahay 9.

XS
SM
MD
LG