Isku xirrada

Borussia Dortmund oo Taariikh Sameysay


Pierre-Emerick Aubameyang iyo qaar ka mid ah saaxiibadiis.

Kooxda Brussia Dortmund ayaa noqotay kooxdi ugu horreysay oo Jarmal ah oo aanan wax gool ah laga dhalin dhamaan shanta kulan ee ugu horreysay ee horyaalka Bundesliga taariikhda.

Drotmund ayaa kulankeedi ugu danbeeyay ee horyaalka Jarmalka xalay 3-0 ugu awood sheegatay kooxda Hamburg, waxaana goolasha u kala dhaliyay Shinji Kagawa, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Christian Pulisic.

Guushaan ayaa sidoo kale u dhaqaajineysa kooxda Dortmund kaalinta koowaad iyada oo leh 13 buundo, waxay hal dhibic ka sareysaa kooxda Bayern Munich oo Salaasadii 3-0 uga badisay naadiga Schalke.

Kaalinta saddexaad waxaa dagan Hoffenheim oo leh 11 dhibcood, waxay 3-2 ku karbaashtay Mainz. Waxaa kaalinta afraad ku jirta kooxda Hanover 96 oo bar barro 1-1 ah la dhaafi weyday kooxda Freiburg.

Qeybta hoose waxaa ku jirta kooxda Cologne oo khasaartay dhamaan shanti kulan ee ay ciyaartay horyaalka xilli ciyaareedkan. Waa bilaabashadi ugu xumeyd ee ay Cologne ku bilowdo horyaalka Bundesliga taariikhda kooxda.

Ciyaarti ugu danbeysay ee caawa, waxay 1-0 ku lumisay kooxda Eintracht Frankfurt.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG