Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Koonfur Galbeed oo Ka Hor Timid Go'aankii DS ee Khilaafka Khaliijka


Baydhabo - Afar Irdoodka
Baydhabo - Afar Irdoodka

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegey in maamulkaasi uu taageerayo go'aankii xulufada Sacuudiga ay xiriirka ugu jareen dalka Qadar, bishii June.

War-saxaafadeedka, ayaa lagu sheegey in Sacuudiga iyo Imaaradka Carabta uu xiriir soo jireen Soomaaliya kala dhaxeeyo oo ay ka mid yihiin dhaqanka iyo ganacsiga.

War-saxaafadeedka ayaa lagu eedeeyay dowladda Soomaaliya go'aankii dhex dhexaadnimada ay ka qaaday xiisadda dalalka Khaliijka, waxana uu maamulka go'aankaas ku tilmaamay mid aan wax talo ah laga siin maamul goboleedyada.

War-saxaafadeedka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sidoo kale lagu sheegey in dowladda ay dalbatay in muddo la siiyo si ay u baarto cabashooyinka ay maamulada qabeen.

Waxa uu maamulku sheegey in maaddama ay waqti ka soo wareegatay xilligaasi, ay ka Koonfur Galbeed ahaan aysan heysan dookh kale oo aan aheyn inay Imaaradka iyo Sacuudiga ku taageeraan dagaalkooda ka dhanka ah xagjirnimada nooc kaste oo ay tahayba, islamarkaasina ay go'aankii arrintaasi ka gaaren ay ku taageerayaan.

Haaruun Macruuf ayaa go’aankan ka waraystay Xasan Xuseen Maxamed oo ah wasiirka amniga ee Koonfur Galbeed xilliganna ah ku simaha madaxweynaha maamulkaasi.

Dhageyso Koonfur Galbeed oo Ka hor timid go'aanka dowladda Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:27 0:00

Haddaba, Ra'iisulwasaare ku xigeenkii hore, ahaydna wasiirkii arimaha Dibadda, Fowsiyo Ysuf Xaaji Aadan, ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamtay go'aanada maamulada ay ku garab marayaan go’aanka dawladda dhexe ee federaalka.

FowsiyoYuusuf oo ka tirsan baarlamanaka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay ka hadashay go’aankii ay dawladda Soomaaliya Itoobiya ugu dhiibtay Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsanaa jabhadda ONLF.

Weriyahayaga Cabdulkqaadir Maxamed Cabdulle ayey ugu warrantay magaalada Muqdisho.

Dhageyso Hadalka Wasiirkii Arimaha Dibadda
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:31 0:00

XS
SM
MD
LG