Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faah-faahinta Horyaalka Talyaaniga


Paulo Dybala
Paulo Dybala

Kooxaha Juventus, Napoli iyo Inter ayaa wada badiyay todobaadki afraad ee horyaalka Talyaaniga ee xilli ciyaareedkan.

Juve oo difaacaneysa horyaalnimada waxay galabta 3-1 ugu awood sheegatay Sassuolo. Sadexda goolba waxaa u saxiixay xidiga da,da yar Paulo Dybala.

Waxuu ahaa kulankiisii boqlaal ee uu u safto Juve, sidoo kale wuxuu maanta dhaafay goolkiisii 50-aad oo uu dhaliyo tan iyo marki uu noqday laacib ka tirsan Juventus.

Goolka kaliyah ee Sassuolo waxaa saxiixay Matteo Politano.

Dhanka kale, kooxda Napoli oo wax ka hogaamineysa horyaalka ayaa 6-0 ku dardartay naadiga yar ee Benevento. Saddex ka mid ah goolasha waxaa dhaliyay Dries Mertens, goolasha Martens waxaa ku jiray laba rigoore.

Goolasha kalana waxaa kala qeybsaday Allen, Insigne iyo Calajon.
Inter Milan oo iyaduna kaalinta koowaad la wadaagta Napoli iyo Juventus ayaa shalay 2-0 ku khaarijisay Crotone.

AC Milan oo Axadi hore ku jabtay magaalada Roma kadib marki ay 4-1 dhabarka u soo saarisay Lazio ayaa galabta boorka iska jaftay. Waxay 2-1 kaga badisay kooxda Udinese.

Labada gool waxaa u dhaliyay weeraryahankeeda cusub Nikola Kalinic, sidoo kale Kalinic waxaa laga diiday gool off-side ahaa. Milan waxay hadda saddex dhibcood u jirtaa kooxaha horyaalka isla hogaaminaya.

Ciyaaraha kalana waxay u dhaceen sida, Torino waxay bareejo 2-2 ah la dhaafi weyday Sampdoria halka Cagliari ay 2-0 ku cuntay SPAL 2013.

XS
SM
MD
LG