Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chelsea 0-0 Arsenal


Br e
Br e

Kulanki ugu adkaa xilli ciyaareedkan horyaalka Ingiriiska ee the Premier Leagueoo galabta dhex maray kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa kusoo dhamaaday bar barro goolal la,aan ah.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Chelsea Stamborf Bridge ee magaalada London ayaa labad kooxba waxaa soo maray fursado ay goolal ku dhalin kareen, waliba Arsenal ayaa soo bandhigtay ciyaar aad u wanaagsaneyd.

Waxay aheyd marki ugu horreysay oo ay Arsenal hal dhibic kala laabato garoonka Chelsea muddo lix sana ah. Waxaa kale oo ay aheyd marki ugu horreysay oo aysan Chelsea wax gool ah aysan ka dhalin Arsenal 18 xilli ciyaareed.

Chelsea ayaa inti ay ciyaarta socotay ku dhameysatay 10 laacib kadib marki kaarka cas laga siiyay daafacooda David Luiz kadib marki uu six un u lagday ciyaaryahan Kolasinac.

Inta badan horyaalka Ingiriiska ciyaarihi todobaadkan waxay dhaceen Sabtidi, waxana ay kooxuhu isu arkeen sidaan:

Crystal Palace 0 - 1 Southampton
Huddersfield Town 1 - 1 Leicester City
Liverpool 1 - 1 Burnley
Newcastle United 2 - 1 Stoke City
Watford 0 - 6 Manchester City
West Bromwich Albion 0 - 0 West Ham United
Tottenham Hotspur 0 - 0 Swansea City.

XS
SM
MD
LG