Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona: Dembele 4 bil ayuu maqnaan doonaa


 Ousmane Dembele
Ousmane Dembele

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday in weeraryahankeeda cusub Ousmane Dembele uu garoomada kubada cakta ka maqnaan doono muddo afar bilood ah kadib marki uu soo gaaray dhaawac culus.

Qoraal saxaafadeed maanta kasoo baxay Barcelona ayaa lagu sheegay in Dembele uu ka dhaawacmay bowdada bidix. Waxa kale oo qoraalkan lagu sheegay in xidigan u dhashay dalka France uu todobaadkaan u duuli doono dalka Finland oo uu ku mari doono qalliin.

Ciyaarta uu ku dhaawacmay ayaa aheyd kulankiisi ugu horreeyey oo si rasmi ah loogu soo daro ciyaartooyda safka hore ee uu macalinka kooxda kusoo bilaabay Sabtidi kulanki ay Barcelona 2-1 uga badisay kooxda Getefe.

Ousmane Dembele ayaa ah laacibka ugu qaalisan ee ay abid Barcelona lasoo wareegto. Sidoo kale waa ciyaaryakanka labaad ee ugu qaalisan aduunka.

Bishi hore ayey Barcelona xidigan 20 jirka ah kusoo iibsatay 135 milyan oo lacagta ganiga Ingiriska ah. Wuxuu kaga soo biiray kooxda Brussia Dortmund ee dalka Jarmalka.

XS
SM
MD
LG