Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Muddo Kooban Qabsatay Koontaroolka Kalabeyr


Maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa saaka waabarigii weerarray oo muddo kooban qabsaday koontaroolka Kalabeyr oo dhowr iyo labaatan KM waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyn.

Maleeshiyadan ayaa si gaadmo ah halkaasi ku taga, waxaana wararku sheegayaan inay dileen saddex ka mid ilaaladii kontaroolka.

Koontaroolka Kalabery wuxuu u dhow yahay xadka Ethiopia iyo Somalia, waana isha ugu weyn ee dhaqaalaha uu ka soo galo maamulka gobolka Hiiraan. Koontaroolkan waxaa mara gaadiidka isku xira koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Wararka u danbeeyay waxay sheegayaan in maleeshiyadu ay halkaasi ka tagtay.

XS
SM
MD
LG