Rabshado iyo dagaalo ayaa dhowaan dhex maray Soomaalida Ethiopia iyo Oromada, waxaana ka dhashay weerar la sheegay in dad 30 qof ka badan ay ku dhinteen oo laba maalin ka hor ka dhacay deegaanka Hawadaay ee Bariga Ethiopia.
Ismaamulka Oromada ee Ethiopia waxa uu sheegay in tirada dadka weerarkaas ku dhintay ay ahaayeen 18 qof, oo aysan ahayn 30 qof.
Weerarkaas oo dadka lagu dilay qaarkood ay eheladoodu ku noolyihiin Somaliland ayaa saameyn ku yeeshay qaxootiga Ethiopian-ka ah ee ku nool Hargeysa, waxaana galbeedka Hargeysa lagu dilay laba nin oo u dhashay Qowmiyadda Oromada ee Ethiopia.
Wariyeheenna Sagal Mustafe ayaa booqatay meelo ay ku noolyihiin Qaxootiga Ethiopian-ka ah warbixintan ayeyna nooga soo dirtay.