Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Klopp: Daafac lasoo iibsado xal nooma keeni karo


Jurgen Klopp
Jurgen Klopp

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in daafac xumada kooxdiisa aan lagu xalin karin cayaartooy laga soo iibsado suuqa kala iibsiga.

Hadalka macallinka u dhashay dalka Jarmalka ayaa yimid kadib markii kooxdiisa ay barbar dhac 2-2 ah la gashay naadiga Seville ee dalka Spain, cayaar ka tirsaneyd koobka horyaalada Yurub.

Labada gool ee Liverpool laga dhaliyey ayaa ahaa labada fursad kaliya ee bartilmaameedsanaa, oo kooxda Seville ay heshay, waxayna u muuqdeen kuwa qaladaadka daafac ee Liverpool ku yimid.

Si kastaba Klopp ayaa sheegay in cayaartoy lasoo iibiyo aysan xal u ahay mashaqada Liverppol.

“Haddii dhiibaatadan uu xalin karo hal cayaaryahan oo aan soo iibsano, waad qiyaasi kartaa dhammaan lacagteena waxaan ku bixin lahayn halkaas cayaaryahan” ayuu yiri Klopp.

XS
SM
MD
LG