Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo 3 Weerar ka Fuliyey Soomaaliya


Shabaab
Shabaab

War saxaafadeed maanta ka soo baxay hogaanka Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) ayaa lagu sheegay in iyada oo xiriir lala sameeyey dawladda Somalia, uu ciidanka Africom fuliyey 3 weerar oo dhinaca cirka ah oo bartilmaameedsan.

Weeraradaas ayaa war saxaafadeedka lagu sheegay in lagu qaaday ururka Al-Shabab, saacadda Somalia markii ay ahayd qiyaastii 2:15 salaadda subax ka hor, halkaasna lagu dilay 6 argagixiye.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu ka dhacay meel 260 km koonfur ka xigta magaalada caasimadda ah. Warka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tallaabadan u qaaday, isaga oo raacaya awoodihii uu siiyey Madaxweynaha Maraykanku, bishii March ee sanadkan 2017ka, amarkaas oo ciidanka Maraykanka u ogolaanaya inuu tallaabooyin ad-adag ka qaado ururka Alshabab ee ku sugan goobo gaar ah, iyada oo arrintaas lagu taageerayo ciidamada Somalia.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidanka Maraykanku uu sii wadi doono inuu adeegsado dhammaan halbeegyada loo sharciyeeyey ee munaasibka ah si ay u ilaaliyaan dadka Maraykanka, una curyaamiyaan argagixisada, iyada oo arrintaas loo marayo la shaqeynta ciidanka nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM iyo ciidanka qaranka Somalia si loo wiiqo awoodda argigixisada ee Somalia, gobolka iyo caalamka oo dhan.

XS
SM
MD
LG