Shalay waxaa magaalada Hargeisa lagu soo bandhigay, Buug loogu magac-daray Xeeladaha Dagaalka kaas oo ah Tarjumaadda lagu sameeyey buuga the Art of War.
Buuggan The Art of War ama Xeeladaha Dagaalka, ayaa la qoray 26 qarni ka hor, waxaana Qoray Khabiir Milateri oo Shiinaha u dhashay, kaas oo lagu magcaabi jiray Sun Tzu.
Haddaba Buuggan ayaa noqday buug caan ka noqday dunida, waxaana tan iyo xilligaas uu sees u noqday barashada Aqoonta Milateriga iyo Ammaanka.
Haddaba Buuggan oo afaf kala duwan loo tarjumay, ayaa haatan waxaa Afka Soomaaliga u Tarjumay Qoraa Aadan Xasan Aadan, Danjiraha Djibouti u jooga magaalada Muqdisho.
Ismaaciil Xuseen Farjar ayuu khadka telefoonka ugu waramay.