Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeymo Gedo Ka Dhacay


Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaanno hoos-yimaada degmadda Beled Xaawo.

Duqeyntan ayaa imaaneysa maalin ka dib markii magaalada ay dagaal ku qabsadeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-shabab oo markii dambe ka baxay.

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay ilaa toban kalena way ku dhaawacmeen weerarkaasi shalay Beled Xaawo ka dhacay.

Wariyeheenna Jamaal Axmed Cismaan ayaa duqeyntan wax ka weydiiyay Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaadi.

Dhageyso Duqeymo ka Dhacay Gedo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:58 0:00

XS
SM
MD
LG