Isku xirrada

Kooxda Lazio ayaa guul weyn ka gaartay ciyaar ay galabta magaalada Roma kula ciyaartay kooxda AC Milan, kadib marki ay dhabarka u saarisay 4-1.

Weeraryahanka kooxda Lazio iyo xulka Talyaaniga Ciro Immobile ayaa ahaa xidigii garoonka kadib marki uu lugtiisa ku dhaliyay saddex gool oo midi rigoore ahayd, halka uu isagu baasay goolka afraad oo uu saxiixay Luis Alberto.

Goolka kaliyah ee ay Milan keentay waxaa dhaliay Riccardo Montolivo oo shabaqa ku taabtay kubad soo laaday Hakan Calhanoglu oo u dhashay dala Turkiga.

Ciyaartan ayaa inta aysan bilaaban dib loo dhigay hal saac kadib marki ay halis galiyeen daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da,day Roma.
Dhamaadki ciyaarta ayaa waxaa Lazio kaarka cas laga siiyay kantankooda Marco Parolo kadib marki uu jallaafeeyay Bonnaventura.

Kulanki ay Lazio la ciyaartay Milan ayaa waxa uu tijaabo u ahaa macalinka kooxda Vincenzo Montela, kaasoo ay milkiilayaasha cusub ee Milan u iibiyeen 11 laacib oo laga bixiyay aduun lacageed oo gaaraysa 250 milyan oo yuro.

Hadii Milan laga badiyay waxaa guul ay u rafatay soo hooysay kooxda ay AC Milan mataanaha yihiin ee Inter Milan, taasoo 2-0 uga badisay kooxda SPAL.

Waxay aheyd marki ugu horreysay oo ay labadani koox isaga hor yimaadaan ciyaar rasmi ah muddo 50 sano ah kadib.

Goolasha waxaa Milan u kala dhaliyay Mauro Icardi iyo Ivan Perisic. Waa kulanki sadexaad oo xiriir ah oo ay Inter badineyso tan iyo marki uu dib u bilowday horyaalka Seria A-da.

Kooxaha kale ee guulaha waaweyn kasoo hooyay kulamadi galabta ee horyaalka Talyaaniga waxaa ka mid ah Fiorentina oo 5-0 ku xaaqday Hellas Verona.

Ciyaaraha kalana, Atalanta waxay 2 - 1 ku dubaay Sassuolo. Cagliari 1 – 0 ay dirtay Crotone, halka Udinese ay 1 - 0 ku khaarijisay Genoa.

Horyaalka Talyaaniga waxaa isla hogaaminaya hadda Juventus iyo Inter oo leh min 9 dhibcood, waxaa ku xiga Lazio oo leh 7. Waxaa ku xiga oo min lix dhibic wada wadaagaNapoli,Sampdoria iyo Milan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG