Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha Caalamka oo Baaq u Dirtay HirShabelle


HirShabelle
HirShabelle

Beesha caalamka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda maamulka HirShabelle, kadib markii baarlamanka maamulkaasi uu sheegay inuu xilka ka qaaday madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, 14-kii August.

Bayaankan ayaa waxaa si wada jir ah usoo saaray QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, UK iyo Mareykanka.

Xubnaha beesha caalamka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada HirShabelle inay sii wadaan dadaallada wax looga qabanayo arrimaha muhiimka ah, ayada oo loo marayo dastuurka, lagana reebtoonaado ficil kasta oo wiiqi kara dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale tiri “Ayada oo la eegayo dadaallada maaliyadeed iyo kan siyaasadeed ee la geliyey dhismaha HirShabelle, waxaan ka walacsanahay isku dayada maamul kale looga dhisayo gobolka Hiiraan.”

Waxa ay sheegeen in tallaabo kasta oo hal dhinac ah, islamarkaana aan sharciga ku saleysneyn, aysan wax ku ool ahayn, islamarkaana sababeyso walaac.

XS
SM
MD
LG