Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ururka ONLF oo Beeniyey Inay Argagixiso Yihiin


Mid ka mid ah dagaalyahannada ONLF
Mid ka mid ah dagaalyahannada ONLF

Ururka ONLF ee dagaalka kula jira dowladda Ethiopia ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aankii ay dowladda Somalia shalay ku sheegtay in Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo Somalia ay Ethiopia u dhiibtay uu ahaa argagixiso xiriir la leh ururka al-Shabaab.

Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani, Afhayeenka ururka ONLF ayaa sheegay in go’aanka dowladda Somalia uu yahay mid ka soobaxay xukuumadda Ethiopia.

Hirmooge ayaa beeniyay in ururka ONLF uu yahay urur argagixiso.

Weriyaheena Maxamed Cabdi Xasan ayaa khadka taleefonka ku wareystay afhayeenka ONLF, isagoo ugu horreyn weydiiyay sida uu u arko hadalkii ka soo baxay dowladda Somalia.

Wareysi: Afhayeenka ONLF
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:30 0:00

XS
SM
MD
LG