Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda: Qalbi-Dhagax Wuxuu Xiriir la lahaa Al-Shabaab


Golaha wasiirada
Golaha wasiirada

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadashay go’aankii Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax, oo ah sarkaal ka tirsan ururka ONLF, loogu dhiibay dowladda Ethiopia.

Warsaxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Waxa uu abaabulayey [Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax] falal lid ku ah amniga dalka oo uu in muddo ah ka dhexwaday dalka gudahiisa, xiriirna uu la lahaa kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab”

Shirka golaha wasiirada ayaa waxaa sidoo kale la horkeenay, sida qoraalka lagu sheegay “nuqulka Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Ethiopia ee 07-dii Juun 2015-kii, kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada ee dowladdiii Xasan Sheekh Mahad Maxamed Salaad”

Sida qoraalka lagu sheegay, heshiiskan ayaa u aqoonsanaya kooxaha hubaysan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Jabhadda ONLF in ay khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ah.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale shaaciyey inuu jiray, oo maanta la horkeenay heshiis la saxiixay 2-dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal.

XS
SM
MD
LG