Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mourinho: Neymar ayaa beddelay suuqa kala iibsiga


Jose Mourinho
Jose Mourinho

Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay in ku biiritaankii Neymar ee kooxda PSG ay wax weyn ka beddeshay suuqa kala iibsiga cayaartoyda.

Neymar ayaa kooxda ka dhisan magaalada Paris ugu biiray lacag 220 milyan oo Euro ah, oo ah lacagtii ugu badneyd ee abid cayaaryahan lagu iibsado.

“Waxaan ahayn kuwo xariif ah. Waan ogeyn inay dhici karaan arrimo suuqa kala iibsiga beddeli kara, sidaas darteed waxaan cayaaryahanada lasoo saxiixanay goor hore” ayuu Mourinho u sheegay wargeyska The Times.

Manchester United ayaa 75 milyan kusoo gadatay Lukaku, ayada oo 40 milyan kasoo bixisay Matic, halka ay 30 milyan ku qarash gareysay Lindelof.

“Haddii aan soo iibsan lahayn kadib Neymar, Lukaku wuxuu noqon lahaa 150 milyan, Matic 70 Milyan. Neymar ayaa beddelay wax walba” ayuu yiri Mourinho.

XS
SM
MD
LG