Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda Leicester oo 14 ilbiriqsi ku weysay Adrien Silva


Adrien Silva
Adrien Silva

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa diiday codsigii kooxda Leicester City ay dooneysay inay ku diiwaan gashato Adrien Silva, kadib markii ay 14 ilbiriqsi ay ka daba martay waqtigii uu xirmay suuqa kala iibsiga cayaartoyda.

Kooxda Leicester ayaa cayaaryahankan qadka dhexe ka cayaara kasoo iibsatay kooxda Sporting Lisbon oo ay ku heshiiyeen 22 milyan oo gini.

Diiwaan-gashiga Silva ayay Leicester kusoo geba gebeyn waysay waqtigii FIFA ay u baahneyd, taasi oo macnaheedu yahay inuusan safan karin illaa bisha Janaayo.

Kooxda Leicester ayaa sheegtay inay waddo qorshe ay racfaan uga qadaaneyso go’aanka FIFA.

Afhayeen u hadlay Leicester ayaa yiri “Waxaan kala shaqeeneynaa Silva iyo kooxda Sporting Lisbon, sidii arrintan xal loogu heli lahaa, waxaana eegeynaa wax kasta oo suurta-gal ah”

XS
SM
MD
LG