Dibadbaxyo ayaa la sheegay inay maanta ka dhaceen xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kuwaasi oo dadka halkaasi ku jira qaarkood ay ku dhalleecaynayeen go’aanka dawladda Soomaaliya ugu wareejisay dawladda Itoobiya xubin ka tirsan ururka ONLF.
Jaamac Buulle Jaamac ayaa arrintan ka waraystay weriye Axmed Nuur Yogol oo ku sugan Dhadhaab.