Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lix dal oo usoo baxay koobka adduunka 2018


Xulka Belgium
Xulka Belgium

Xulka qaranka dalka Belgium ayaa shalay noqday xulkii lixaad ee usoo baxa koobka kubadda cagta adduunka ee sanadka 2018 ka dhacaya dalka Russia.

Belgium ayaa cayaar ka tirsaneyd is reeb reebka koobka adduunka ee qaarada Yurub waxay xalay 2-1 kaga adkaadeen xulka Greece oo ay marti u ahaayeen, waxaana group-ka H ay ku hoggaaminayaan 22 dhibcood.

Labada gool ee Belgium waxaa kala dhaliyey Vertonghen iyo Lukaku.

Belgium ayaa ku biiraya dalalka Ruushka, Mexico, Japan, Iran iyo Brazil oo horey ugu soo baxay koobka adduunka.

Ruushka ayaa marti-gelinaya koobka, sidaas darteedna uma baahnaa inay galaan wax isreeb reeb ah, hase yeeshee dalalka Mexico, Japan, Iran iyo Brazil ayaa kasoo baxay isreeb reebka qaaradahooda.

XS
SM
MD
LG