WASHINGTON. D.C —
Ugu yaraan 7 asari oo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ku dhintay weerar ay maleeshiyada Al-Shabab ku qaadeen deegaanka Buulo Guduud oo 30km dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.
Saraakiisha Gobolka ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabab ay soo weerareen xeryaha milatariga ee Buulo Guduud iyaga oo adeegsanaya baabuur lasoo miidaamiyey.
Ururka Al-Shabab ayaa iyagu sheegtay inay qabsadeen xeradaasi isla markaana ay dileen 26 askari.
Faahfaahinta sida ay wax u dhaceen ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Af-hayeenka Maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax.