Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa ku gacan seyrtay dalab ku kacaya €160m (Boqol iyo lixdan Milyan oo Yuro) oo ay ku dooneyso in ay ku gadato laacibka da,da yar ee kooxda Juve, Paulo Dybala.
Wargeyska Corriere dello Sport ee kasoo baxa dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Barcelona ay geed dheer iyo mid gaabannba u fuuleyso sidii ay ku heli laheyd xiddigan u dhashay dalka Argentina ka hor inta aanu xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartooyda caawa saqda dhexe.
Barca ayaa rabta in ay buuxiso booska uu banneeyey laacibkoodii hore Neymar oo ay €222m kaga iibisay kooxda Paris Saint-Germain bartamihii bishaan.
Wargeyska Corriere dello Sport wuxuu sheegay in Barcelona ay soo bandhigtay €115m oo kaash ah iyo €45m oo ay u bixin doonto gunno ahaan sanadaha soo socda.
Juventus ayaa Dybala kaga soo iibsatay €40m kooxda Palermo muddo iminka laga joogo, hadii ay iibisana waxaanan shaki ku jirin in ay ka heli doonto faa,iido aad u ballaaran.