Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shil Khasaare Sababay oo Ka Dhacay Duleedka Jowhar


Dad ag taagan baabuur burburay
Dad ag taagan baabuur burburay

25 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay dhaawacmeen kadib marki baabuur xamuul ah oo ay la socdeen uu ku gaddoomay deegaanka Crash Program oo qiyaasti 10-km dhinaca koofureed kaga beegan magaalada Jowhar ee xarnta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Shabeelaha Dhexe Nur Maxamed Absuge ayaa VOA-da u sheegay in shilka uu yimid kadib marki ay isku dhaceen laba baabuur oo ah kuwa xamuulka qaada, kuwaasoo midna uu waday dad rakaab ah kan kalana ay saarraayeen ku dhawaad 100 neef oo ari ah.

Dadka dhaawaca ah oo uu ku jiro darawalkii baabuurka waday ayaa isugu jira 21 rag iyo 4 dumar ah.

Sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka amniga ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, dadka dhaawaca ah ayaa dhamaantood isla xalay loo qaaday magaalada Muqdisho, kadib marki wax looga qaban waayey isbitaalka magaalada Jowhar.

Ma jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray dadki la socday baabuurka kale ee xoolaha waday, marka laga reebo dhowr neef oo ari ah oo ay gaareen dhaawacyo jabniin ah.

XS
SM
MD
LG