Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Benedikt Howedes oo ku biiraya Juventus


Benedikt Howedes
Benedikt Howedes

Daafaca kooxda kubadda cagta Schalke iyo xulka qaranka Jarmalka Benedikt Howedes ayaa maanta tijaabada caafimaad u maraya kooxda Juventus.

Laacibkan ayaa waxaa kooxda Juventus ay soo bandhigtay sawiradiisa isaga imanaya xarunta kooxda, waxaana ay bayaan ku sheegtay inuu billaabay tijaabada caafimaad.

Howedes oo 29 jir ah ayaa xirfaddiisa cayaareed oo dhan wuxuu u dheelayey naadiga Schalke, isaga oo lixdii sano ee ugu dambeysay ahaa kabtanka kooxdaas.

Benedikt Howedes ayaa 44 kulan u saftay xulka qaranka Jarmalka, waxaana ka mid ahaa cayaartii kama dambeysta ee koobkii adduunka ee 2014, markaasi oo Jarmalka ay 1-0 kaga adkaadeen xulka Argentina.

Weli lama shaacin qiimaha lacageed ee Juventus iyo Schalke ay ku heshiiyeen, si laacibkan uu ugu biiro naadiga ka dhisan magaalada Turin ee dalka Talyaaniga.

XS
SM
MD
LG