Isku xirrada

Barcelona oo ku soo biirtay loolanka loogu jiro Lemar


Thomas Lemar

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro xiddiga garabka bidix ee weerarka ka cayaara ee kooxda Monaco, Thomas Lemar.

Lemar ayaa la sheegay in Barcelona uu u yahay qorshaheeda B, haddii ay ku guul darreysato inay lasoo wareegto xiddiga kooxda Liverpool Philippe Coutinho.

Naadiga Liverpool ayaa diiday saddex dalab oo kii ugu badnaa uu ahaa 135 milyan oo gini oo ay Barcelona usoo bandhigtay, si ay uga soo qaadato Coutinho.

Liverpool, ayaa ayaduna sidoo kale dooneysa Lemar, waxaana laga diiday saddex dalab oo ay Monaco u gudbisay oo kii ugu dambeeyey uu ahaa 65 milyan oo gini.

Laacibka xulka qaranka Faransiiska ayaa lagu qiimeeyey 75 milyan oo gini, balse Monaco ayaa sheegeysa inuusan iib ahayn.

Suuqa kala iibsiga cayaartoyda Yurub ayaa waxa uu xirmayaa habeenka khamiista 31-ka August.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG