Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Keita Balde Diao oo Ku Biiray Monaco


Balde Keita Diao
Balde Keita Diao

Ugu danbeyntiina weeraryahankii kooxda Lazio Keita Balde Diao ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Monaco.

Laacibkan u dhashay dalka Senegal ayaa saxiixay qanadaraas dhamaan doona 2022-ka. Kooxda Monaco ayaa ku iibsatay Diao lacag dhan 35 milyan oo yuro oo ay u kala bixin doonto qeyb qeyb dhowrka sano ee soo socda.

Diao oo ah 22 jir ayaa buuxin doona booska uu baneeyey Kylian Mbappe oo ku biiraya kooxda Paris Saint-Germain.

Kooxaha AC Milan, Juventus, Inter iyo Napoli ayaa aad u wada rabay Keita Balde Diaoka hor inta uusan aadin Monaco.

Waa weeraryahanki labaad oo ay Monaco lasoo wareegeyso muddo 48 saacadood gudahood ah, waxay sidoo kale Talaadadi keentay weeraryahanki hore ee Inter Milan Stevan Jovetic.

XS
SM
MD
LG