Isku xirrada

David Villa oo Looga Yeerey Xulka K.Cagta Spain


David Villa

Tababaraha xulka kubadda cagta dalka Spain Julen Lopetegui ayaa ku daray liiska ciyaartooyda xulka dalka Spain la dheeli doona xulka waddanka Talyaaniga, David Villa, kulan ka tirsan is reeb reebka koobka adduunka.

35 sano jirkan u ciyaara kooxda New York City FC, ayaa xulka dalka Spain u soo dheelay seddexdii koob adduun ee ugu dambeysay.

Villa, ayaa sheegey in fursaddaasi loogu wacay xulka kubadda cagta dalkiisa ay uga dhigan tahay in uu hadda meel eber ah wax ka soo billaabayo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG