Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lacag 55.5 milyan oo gini ku dalbatay xiddiga kooxda Monaco Thomas Lemar, sida ay warbaahinta Ingiriiska qaarkood shaaciyeen maanta.
Wararka ayaa sheegaya in Monaco aysan weli aqbalin ama diidin dalabka ka yimid Liverpool, ayna qiimeynayaan.
Kooxda Arsenal ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey isku dayeysay inay lasoo wareegto xiddigan, ayada oo mar laga diiday yabooh 30 milyan oo gini ahaa oo ay u gudbisay Monaco.
Monaco ayaa marar badan ku cel-celisay in Lemar uusan iib ahayn, kadib markii ay horey u iibisay xiddigo muhiim ahaa sida Bernardo Silva iyo Benjamin Mendy oo ay ka iibisay Manchester City iyo Tiemoue Bakayoko oo ku biiray Chelsea.
Thomas Lemar oo xulka qaranka Faransiiska ka tirsan ayaa 12 gool dhaliyey 39 kulan oo uu saftay xilli cayaareedkii tagey.