WASHINGTON. D.C —
Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa diyaar la ah inay 33 milyan oo euro ka bixiso laacibka kooxda Barcelona Andre Gomes.
Sida uu maanta qoray wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa dalka Spain, Barcelona ayaanan fasaxi doonin Gomes hadii aaanan miiska loo saarin lacag dhan konton milyan oo euro €50m.
Andre Gomes ayaa ah 24 u dhashay dalka Portugal, Barcelona ayaa xagaagi hore €35m kaga soo iibsatay kooxda Valencia balse wax saameyn ah kuma yeelan kooxda ilaa iyo hadda.
Tan iyo sanadki hore wuxuu Gomes kooxda u dhaliyey saddex gool 47 kulan oo uu saftay.