WASHINGTON. D.C —
Duufaanta Harvey oo tan iyo Jimcihii garaaceyay xeebaha gobolka Texas ee dalkan Mareykanak ayaa sababtay khasaara isugu jira dhimasho mid hantiyeed.
Illaa iyo konton degmo oo gobolkaasi ka tirsan ayaa xaalad deg deg ah la geliyay.
Dabeylo xooggan iyo roobab mahiigaan ah ayaa ku dhuftay boqolaal meyl oo ku teedsan xeebta gobolka Texas. Harvey, waa duufaantii ugu darneyd uguna xoog badneyd ee Mareykanka ku dhufata wax ka badan 10 sanadood- waxeyna wadatay dabeylo ku socday xawaare ah 209 killomitir saacaddii.
Haddaba, xaaladihii ugu dambeeyay ayuu Jamaal Axmed Cismaan ka wareystay suxufi madax bannaan oo ku dhaqan magaalada Houston ee Texas.