Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona oo lasoo wareegtay Ousmane Dembele


Dembele
Dembele

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay cayaaryahan Ousmane Dembele kala soo wareegtay kooxda Borussia Dortmund.

Naadiga Catalan ayaa warkan ku xaqiijisay barteeda twitter-ka, ayada oo baahisay muuqaalka Dembele oo xiran funaanadda kooxda.

Bayaan lasoo dhigay website-ka kooxda Barca ayay ku sheegtay Dembele inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan qaaradda Yurub.

Cayaaryahankan ayaa Barcelona u beddeli doona Neymar oo ku biiray kooxda PSG, wuxuuna xiran doonaa lambarkii uu baneeyey Neymar ee 11.

Barcelona ayaa qiimaha ay kula soo wareegtay Dembele ku sheegtay 105 milyan oo Euro, oo ay dheer tahay lacag kale oo ku xirnaan doonta hab cayaar wanaagiisa.

Heshiiska uu Dembele ugu biiray kooxda Barcelona ayaa waxaa la socda heshiis nasakh dhan 400 milyan oo Euro, oo kooxdii bixisaa ay kula wareegi karto.

XS
SM
MD
LG