Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku dhow saxiixa xiddiga garabka ka cayaara ee kooxda Borussia Dortmund Ousmane Dembele, oo u dhashay dalka Faransiiska.
Laacibkan 20 jirka ah ayaa la filayaa inuu noqdo cayaaryahanka labaad ee ugu qaalisan dunida.
Inkasta oo weli aysan caddeyn qiimaha lacageed, haddanaa waxaa la rumeysan yahay inuu ku kici doono lacag ka yar 220-ka milyan ee Euro ee PSG ay ku iibsatay Neymar, balse ka badan 100-ka milyan ee Euro ee Manchester United ay ka bixisay Paul Pogba.
Warbaahinta qaar ayaa sheegeysa in Dembele uu ku kici karo lacag gaareysa 150 milyan oo Euro.
Xiddigan ayaan kooxda Dortmund u safan tan iyo shanti August, markaasi oo wixii ka dambeeyey la ganaaxay kadib markii uu seegay tababarka si uu qasbo in laga iibiyo Barcelona.
Dembele ayaa Dortmund waxa uu sanaddii tagtay kaga soo biiray kooxda Faransiiska ee Rennes, isaga oo lagu soo iibsaday 15 milyan oo Euro.