Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Alexis Sanchez oo dib ugu soo laabtay Arsenal


Alexis Sanchez
Alexis Sanchez

Arsene Wenger ayaa sheegay in Alexis Sanchez uu diyaar yahay inuu cayaaro kulanka kooxda Arsenal ay axadda la yeelan doonto Liverpool ee ka tirsan horyaalka Premier League.

Xiddiga u dhashay dalka Chille, ayaan weli wax kulamo ah safan xilli cayaareedkan, ayada oo mugi badan uu hareeyey mustaqbalkiisa kooxda, hase yeeshee Wenger waxa uu sheegay in diidmada Sanchez ee ah inuu saxiixo qandaraas cusub, aysan saameyn ku yeelan dareenkiisa cayaareed.

Wenger ayaa yiri “Sanchez wuxuu ku sugan yahay xaalad jireed oo wanaagsan. Wuxuu mar walba diiradda saaraa shaqadiisa. Umana maleynayo inay saameyn ku yeesheen wararka la xiriira mustaqbalkiisa”

Macallinka Arsenal ayaa sheegay in diidamada Sanchez aysan sidoo kale macanaheedu ahayn inuusan saxiixi doonin qandaraas oo uu ka tagi doono kooxda marka uu dhammaado xilli cayaareedka.

Qanadaraaska Sanchez oo uu ka haray 12 bilood kaliya, ayaa macnaheedu yahay in kadib xilli cayaareedkan uu si bilaash ah uga tagi karo kooxda Arsenal, oo ku gacan seertay inay iibiso.

XS
SM
MD
LG