Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooney oo ka fariistay cayaaraha caalamiga ah


Wayne Rooney
Wayne Rooney

Wayne Rooney, oo ah xiddiga ugu gool dhaliska badan xulka kubadda cagta qaranka Ingiriiska, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka fariistay cayaaraha caalamiga ah.

31 jirkan ayaa ah cayaaryahanka ugu safashada badan xulka England, marka laga soo tago goolhayayaasha, wuxuuna saftay 119 kulan, isaga oo dhaliyey 53 gool.

Macallinka xulka England Gareth Southgate ayaa talaadadii taleefon ku wacan Rooney una sheegay inuu doonayo inuu ku daro xulka England, hase yeeshee Rooney ayaa ka cudur daartay.

Bayaan kasoo baxay Wayne Rooney oo uu soo dhigay website-kiisa ayuu ku yiri “Waan ku farxay in Southgate uu isoo wacay iina sheegay inuu doonayo inuu i xusho”

“Si kastaba, kadib markii aan muddo aad uga fakaray arrintan, waxaan u sheegay Gareth inaan go’aan ku gaaray inay ka fariisto cayaaraha caalamiga ah”

Rooney ayaa sheegay inuu doonayo inuu xoogga dadaalkiisa saaro kooxda Everton oo uu xilli cayaareedkan dib ugu biiray kadib markii uu kasoo tagy kooxda Manchester united.

XS
SM
MD
LG