Kooxda Barcelona ayaa lagu warramay in yaboohii afaraad ay u gudbin doonta kooxda Liverpool oo ay ka dooneyso cayaaryahan Philippe Coutinho.
Yabooha cusub ee Barcelona ayaa la sheegay inuu yahay 138 milyan oo gini.
Ilo-wareedyo ku dhow kooxda Barcelona ayaa laga soo xigtay inay kooxda aysan weli ka quusan inay soo xero geliso laacibka reer Brazil, oo ay dooneyso inay ku beddesho xiddiggeedii hore ee Neymar, oo ku biiray kooxda PSG.
Yabooha cusub ee Barcelona ayaa ka kooban 101 milyan oo gini oo ay bixin doonto marka hore, iyo 37 milyan oo ku xirnaan doonta hab cayaareedka laacibkan.
Dad ku dhow cayaaryahan Coutinho ayaa laga soo xigtay in laacibkan ay ka go’an tahay inuu ku biiro Barcelona xagaagan wax kasta oo ay ku qaadataba.